DHAGEYSO:Madaxa wasiirrada dalka oo cambaareeyay dibadbaxyada Azimio

0
311

Madaxa wasiirrada ee dalka ,Musalia Mudavadi ayaa siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ku dhaliilay dibadbaxyada ay ka billaabeen gudaha wadanka.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiinta garabka mucaaradka ee uu hoggaaminaya Raila Odinga laga doonaya inay aqbalaan in laga soo gudbay xilligii doorashada oo hadda la joogo xilli shaqo oo ay tahay in xoogga la saaro horumarka iyo u adeegidda dadweynaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xilligan ay Kenya wajahayso culeys dhaqaale sidaasi awgeedna aan la xamili karin dibadbaxyo iyo arrimo siyaasadeed oo sida uu hadalka u dhigay aan isbeddel keenayn waqti xaadirkan.
Musalia Mudavadi ayaa xilli uu ku sugnaa tuulada Iguyio ee deegaan baarlamaneedka Ikolomani ee ismaamulka Kakamega, ku celceliyay in dowladda dhexe aynan marnaba fiirsan doonin in la sameeyo mudaaharaadyo wax u dhimaya xasiloonida guud.
Waxaa uu intaasi ku daray in isaga iyo madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ay ku kulmeen magaalada Abuja ee dalka Nigeria oo uu u xaqiijiyay inuu talada wadanka si fudud ugu wareejiyay madaxweyne William Ruto .