Madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Eric Theuri ayaa sheegay in waxqabadka madaxweynaha wadanka William Ruto uu ka hooseeya intii shalay lagu soo bandhigay darasaad la sameeyay.
Shalay ayay ahayd markii shirkadda cilmi baarista ee Infotrak ay sheegtay in kenyaanka oo ay ka wareysatay waxqabadka hoggaamiyaha dalka ay ku qiyaaseen boqolkiiba 55.
Hasa ahaate Eric Theuri ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ka gaabiyay rajooyinkii ay ka qabeen shacabka iyo fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyay.
Waxaa uu maamulka William Ruto ku dhaliilay inuunan waxyaabo badan ka qaban dhanka maamul wanaagga iyo bixinta adeegyada.
Madaxa LSK ayaa arrimahan ka hadlayay xilli uu saaka u warramayay barnaamijka Daybreak show ee telefishinka maxalliga ee Citizen.
Dhanka kale qaar ka mid ah aqoonyahaannada siyaasadda falanqeeya ayaa madaxweynaha dalka ku dhaliilay inuu hal sano ka dib xilligii uu xafiiska qabtay uu weli dadweynaha u ballan qaadaya waxyaabo dheeraad ah isagoo aan kuwii hore si buuxda uga soo bixin.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxa ururka LSK oo sheegay in waxqabadka madaxweynaha dalka uu hooseeya