DHAGEYSO:Mackenzie oo maxkamadda ka codsaday in la dilo oo meydkiisa lagu tuuro webiga Yala

0
518

Baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi , Paul Mackenzie oo loo haysto meydadka in ka badan 400 oo qof oo kaniisadiisa taabacsanaa oo laga helay keynta Shakahola ayaa maxkamadda ka codsaday in la dilo ka dibna meydkiisa lagu tuuro webiga Yala ee ismaamulka Siaya.
Mackenzie oo ka soo hormuuqday maxkamadda Shanzu isaga iyo 15 qof oo kale oo lala soo eedeyay ayaa buuq ka dhex abuuray maxkamadda ka dib markii ay billaabeen inay qayliyaan iyagoo sheegaya in xuquuqdooda lagu xadgudbay intii ay ku jireen saldhigyada booliiska.

Tuhmanayaasha ayaa ku andacoonaya in loo diiday in damaanad lagu siidaayo balse looga dhaqmaya si arxaan darro ah.
Xabaal wadareedyada laga helay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ayaa waxaa ilaa iyo hadda laga soo saaray meydadka ugu yaraan 425 qof oo la rumeysan yahay in baadariga uu ka dhaadhiciyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Sidoo kale waxaa weli la la’yahay in ka badan 600 ruux oo ay ehelladooda raadinayaan.