Ururka macallimiinta ee tacliinta aasaasiga ee carruurta ee ECDE (KUNOPPET) ayaa doonayo in la sameeyo nidaam wanaagsan oo lagu wanaajinayo mushaaraadkooda.
Guddoomiyaha ururka macallimiinta (KUNOPPET) Lawrence Otunga ayaa sheegay in mushaarkooda uu aad u yar yahay.
Waxaa uu golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ku eedeyay in aysan dan ka laheyn maslaxadda macallimiinta tacliinta aasaasiga ee carruurta ee ECDE.
Mr. Lawrence Otunga ayaa intaasi ku daray in qaarkood ay mushaar la’aan ku shaqeynayeen in ka badan 6 bilood.
Barayaasha ururkan ayaa sidoo kale doonaya in dalacsiin loo sameeyo.
Waxaa hadda maamulka tacliinta aasaasiga ee carruurta ee ECDE gacanta ku haya dowlad deegaannada.