DHAGEYSO:Macallimiin doonaya in laga soo wareejiyo dugsiyada gobolka Waqooyi Bari oo dibadbax dhigay

0
394

Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada gobolka Waqooyi Bari ee aan deegaanada halkaas ku yaalla ka soo jeedin ayaa bannaanbax ka dhigay bannaanka xarunta guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ee magaalada Nairobi.
Waxaa ay barayaasha doonayaan in goobahaasi laga soo wareejiyo.
Macallimiinta ayaa ku andacooday in naftooda ay u cabsi qabaan maadaama dhowr jeer dowlad deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee kala ah Garissa, Wajeer iyo Mandera laga soo tabiyay falal amni darro oo ay barayaal badan naftooda ku waayeen.
Qaar ka mid ah barayaasha dibadbaxa dhigay ayaa warbaahinta la hadlay