DHAGEYSO:Maareyaasha kaalimaha shidaalka ee Wajeer oo baaq loo diray

0
429

Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Wajeer Cabdiraxmaan Maxamad Cabdille oo ku magacdheer Cabdiraxmaan Cayuun ayaa walaac ka muujiyay caqabad dhanka shidaalka ah oo ka jirto dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu ku andacoonaya in qaar ka mid ah kaalimaha shidaalka ay keydsanayaan shidaalka si ay gaadiidleyda uga iibiyaan qiimo sarreeya.
Guddoomiyaha ayaa maareeyaasha kaalimaha shidaalka ee Wajeer ugu baaqay inay dareemaan saameynta ka dhalatay abaarta iyo bisha barakeysan ee Ramadaan ee lagu guda jiro oo aynan sidaasi awgeed iyagoo macaash gaar u ah raadinaya aysan carqaladeyn ganacsiga baabuurleeyda.