Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa dadweynaha ku boorriyay inay taxaddar muujiyaan marka ay adeegsanayaan waddada u dhexeysa degmada Madogo ee ismaamulka Tana River iyo magaalada Garissa.
Tani ayaa timid ka dib markii daadadka ka dhashay roobabka ay gooyeen qayb ka mid ah waddadaasi.
KeNHA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in qaybta ay waxyeelladu soo gaartay oo loo yaqaano Kona Punda oo u dhow Mororo ay u dhexeysa buundada webiga River Tana iyo magaalada Madogo .
KeNHA ayaa gaadiidleyda iyo dadka lugeynaya ku boorrisay inaynan isticmaalin qaybta waddada ee go’day ilaa iyo inta laga soo saaraya wargelin kale oo lagu xaqiijinaya badqabka dadweynaha.
Maamulkan ayaa intaasi ku daray in marka ay yaraadaan heerka biyaha goobtaasi buux dhaafiyay in koox injineerro ah ay si degdeg ah u guda geli doonaan inay dib u furaan waddadaasi.
Maamulka ayaa xusay in koox ka tirsan ay halkaasi ku sugan yihiin oo ay si dhow ula socdaan xaaladda wixii soo kordhana ay shacabka la soo wadaagi doonaan.
Qaar ka mid ah shacabka Madogo ee ismaamulka Tana River ayaa walaac ka muujiyay saameynta ka soo gaartay daadadka.
Galinkii hore ee shalay ayay ahayd markii maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee dalka ee KeNHA uu dib u furay buundada Mbogolo ee ismaamulka Kilifi oo shalay la xiray maadaama ay saameyn ka soo gaartay daadadka.
Waxaa uu maamulkan kenyaanka ku wargeliyay in hadda ay furan tahay waddada u dhexeysa Mtwapa iyo Kilifi sidaasi awgeedna la isticmaali karo.




