DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo sheegay inay ka hortageen weerarro ay qorsheeynayeen Al-Shabaab

0
458

Wasiirka Amniga maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamad Cabdirahman Kheyre ayaa sheegay in maamul ahaan ay diyaarsadeen qorshayaashii looga sifeyn lahaa kooxda Al Shabaab.

Hadalka ka soo yeeray wasiirka Amniga ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan qarax ismiidaamin ahaa oo gaari loo adeegsaday uu ka dhacay Magaalada jowhar, islamarkaana Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan xadka dowlad degaanka Soomaalida iyo Gobolka Hiiraan.