DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo ka hor yimid hadal ka soo yeeray midowga musharaxiinta

0
497

Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si weyn uga soo horjeesteen hadalkii Midowga Mushatixiinta ee ahaa in Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan aan xilligaan doorasho lagu qaban karin sababo la xiriira amniga iyo khilaafka kajira deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle.
Shir Jaraa’id oo ay si wadajira ay u qabteen ayuu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Calli Jeyte Cismaan uu sheegay in Midowga Musharaxiinta ay u gafeen Dadka Reer Beledweyne oo ay doonayaan inay doorashada ka wareejiyaan Magaalada Beledweyne.
Dhinaca kale Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa beeniyay Warka Midowga Musharaxiinta asagoo sheegay inay qas iyo fowdo kuwadaan Islamarkaana Beledweyne doorsho lagu qaban karo.
Waxaa uu u ka dalbaday Xubnaha Midowga Musharixiinta inay raali gelin ka bixiyaan hadalkaas maadaama sida uu sheegay Beledweyne ay ka dhici karto doorashada Xildhibaannada labada Aqal ayna la mid tahay Magaalooyinka kale ee Maamul goboleedyada ee doorashooyinka loo qorsheeyay.
Magaalada Beledweyne oo kamid ah Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka jiray xiisad ka dhalatay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee Hirshabeelle lagu soo dhisay.
Waxaana jabhad uu hoggaamiyo Janeraalka lagu Magacaabo Xuud ay dhowr jeer hor istaagay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen inuu tago Beledweyne.