Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay kormeer ay sameeyeen oo la xiriira howlgalada joogtada ah ee ay ciidamadu ka sameeyaan gudaha caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa kula dardaarmay Ciidanka Amniga in ay si hufan u wada shaqeeyaan islamarkaana si dabacsan loola dhaqmo Shacabka waxaa uuna xusay inay rajeynayaan in amniga caasimadda si wayn loo sugo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhankiisa sheegay inay ciidamada aad iyo aad uga rajeynayaan inay sii joogteeyaan habdhaqanka wanaagsan ee ay billaabeen inay shacabka kula macaamilaan.