DHAGEYSO:Maamulka gobolka banaadir oo digniin u diray qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho

0
379

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku amray maamullada isbitallada Jaziira iyo Yardameeli ee magaalada Muqdisho inay mudo todobaad gudihiis ah ku soo warijiyaan maamulka labada Isbitaal.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta magaalada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in labadaan isbitaal oo ah kuwo loogu talagalay inay shacabka si bilaasha ah ugu adeegaan la ogaaday inay hab ganacsi ku shaqeeyaan sidaas darteedna maamulka gobolku go’aansaday in gabi ahaanba laga wareejiyo masuuliyiinta hada gacanta ku haysa maamul cusubna loo magacaabo