DHAGEYSO:Maamulayaasha dugsiyada sare oo heshiis la saxiixday isbitaalka Chiromo

0
593

Ururka maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ee KESSHA ayaa heshiis la saxiixday maamulka isbitaalka Chiromo.
Guddoomiyaha ururkan Kahi Ndimuli ayaa sheegay in heshiiskan uu ku saleysan yahay in macallimiinta ay helaan daryeel maskaxeed si looga fududeeyo culeysyada ay kala kulmaan dhanka shaqada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tan iyo markii uu dillaacay cudurka COVID-19, uu barayaasha soo foodsaaray culeys dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa arrintan ka hadlay mid ka mid ah mas’uuliyiinta isbitaalka Chiromo

Dhanka kale Ururka ay ku mideysan yihiin maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ee KESSHA ayaa soo jeedinaya in qarashaadka lagu dhigto dugsiyada sare ee wadanka lagu kordhiyo lacag dhan 8,000 oo shilin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Khali Indimuli oo ah guddoomiyaha KESSHA.
Guddoomiyaha ayaa soo jeedintooda u aaneeyay dadaal ay ugu jiraan ka hor tagga caqabad dhaqaale oo soo foodsaarta dugsiyada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulayaasha dugsiyada sare ay ku adkaatay inay bixiyaan lacagaha ka maqan qandaraasleyda agabka kala duwan u qaybiya xarumahan, shaqaalaha aan macallimiinta ahayn iyo xita in ardayda cunno loo iibiyo.
Hasa ahaate waxaa arrintan ka soo horjeestay guddoomiyaha ururka qaran ee waalidiinta dalka Nicholas Maiyo oo sheegay in waalidiinta ay wajahayaan culeys dhanka nolosha ah maadaama uu sicir barar jiro.
Waxaa uu xusay in maamulayaasha dugsiyada sare laga doonayo inay marka hore adeegsadaan lacagaha ay dowladda dhexe u qoondeyso dugsiyada oo ayna diyaar u noqdaan in lagula xisaabtamo qaabka ay u isticmaaleen miisaaniyadda la siiyay.