DHAGEYSO:Maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe oo uu shir uga furmay Mombasa

0
301

Waxaa shir u socda maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee KEPSHA.
Shirweynaha qaran ee ururkan ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta.
Shirweynaha KEPSHA ayaa socon doono muddo shan cishe ah.
Bayaan uu soo saaray urukan ayuu ku sheegay in shan qodob oo muhiim ah looga hadli doono shirkan.
Ururka ay ku mideysan yihiin maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee KEPSHA ayaa waxyaabaha ay ka hadlayaan waxaa ka mid ah in dowladda dhexe ay mushaar kordhin u sameyso macallimiinta iyo in dhaqaale dheeraad ah u qoondeyso xarumahan waxbarasho, iyo in la xaqiijiyo badqabka macallimiinta.
Maamulayaasha dugsiyada hoose ee dhexe ayaa dhanka kale ballanqaadeen muddada uu shirka u socda ay beeri doonaan 80 geed iyaga oo kaashanaya hay’ad samafal ah, taas oo qayb ka ah dadaallada ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka cimillada.
Waa kuwaan qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee uu shirka uga furmay Mombasa oo warbaahinta la hadlay.