Ugu yaraan 3,000 oo ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Bungoma ee Galbeedka dalka ayaa ka faa’iiday daryeel caafimaad oo ay iska kaashadeen shirkadaha M-PESA Foundation ,Zuri Health iyo isbitaalka Lion SightFirst Eye Hospital.
Waxaa adeegyada lagu bixiyay fagaaraha Posta Grounds.
Sidoo kale M-pesa Foundation ayaa isbitaalka wayn ee Bungoma ku qaybisay agab gaaraya 100 oo loogu talagalay hooyooyinka iyo dhallaanka.
Waxaa arrintan ka mahadceliyay barasaab ku xigeenka Bungoma Jennifer Mbatiany iyo wasiirka caafimaadka ee ismaamulkaasi Andrew Wamalwa.
Bishii Afaraad ee sanadkan ay ahayd markii laanta tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee M-pesa Foundation ay soo billowday wajiga cusub ee bixinta adeegyada caafimaadka ee lacag la’aanta ah oo ay ka fidisay 12 ismaamul waxaana ku baxday lacag dhan 77 milyan oo shilin.