DHAGEYSO:Libaax gabadh dhaawac ugu geystay Hargeysa oo ugu dambeyn la toogtay

0
567

Booliska Somaaliland ayaa xaqiijiyay in Libaax la baadhi goobayay la toogtay saaka aroortii.
Xalay fiidkii ayay ahayd markii Meel Libaaxayada lagu Xanaaneeyo oo ku taalla Magaalada Hargaysa ka baxsaday labo ka mid Libaaxyadii halkaas lagu hayay walow Markii danbe midkood Gacanta lagu soo dhigay.
Mid ka mid ah Libaaxa ayaa Dhaawac u geystay gabadh ka mid ah dadka goobta Libaaxa lagu hayo ag daganaa taasoo hadda Isbitaalka lagu dabiibayo.
Libaaxa ayaa gabadha dhaawaca culus u geystay.
Goobta ay Libaaxyadu ka baxsadeen ayaa waxaa Gacanta ku haya Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliland Cali Waran Cadde.
Waxaa uu sheegay inuu aad uga Xun yahay dhibaatada uu Libaaxaasi Gaystay iyo Cabsida shcabka reer Hargaysa Xalay soo wajahday isagoo Xusay in sababta uu u xanaanaynayo ay tahay inuusan Libaaxu dabar Go’in.