DHAGEYSO:Labo nin oo la dhigay isbitaal ku yaalla Balambala ka dib markii xasaaskoodii ay waxyeello u gaysteen

0
250

Waxaa lagu soo warramayaa in labo nin lagu daweynayo isbitaalka deegaan baarlamaaneedka Balambala ee ismaamulka Garissa ka dib markii ay xaasaskooda waxyeello gaarsiiyeen.
Mid ka mid ah ayaa xaaskiisa waxaa ay siisay sun halka midka kalena ay xaaskiisa ku dhaawacday baangad.
Waxaa isa soo taraya dhacdooyinka la xiriira xaasaska nimankooda kula kacaya falalka halista ah .
Arrintan waxaa idaacadda Star Fm uga warramay Sheekh Cumar Cabdi Bilaal oo ka mid ah culimada deegaanka Balambala ahna guddomiyaha deegaankaasi ku matala golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii nin ay xaaskiisa ku gubtay magaalada Garissa arrimo la xiriira maseyr iyadoo dhacdooyinkan oo kale ay bulshada ku soo badanayaan.