Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Wajeer ayaa sheegaya in nin da’diisa lagu sheeegay 32 sano jir uu baangad ku dilay hal qof halka uu dhaawacay saddex kale.
Taliyaha booliiska ee bariga Wajeer Kennedy Samani, oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in eedeysanaha falkan gaystay oo lagu magacaaba Cabdifitaax Maxamad gacanta lagu dhigay.
Dhacdadan dilka iyo dhaawaca ayuu eedeysanaha ka gaystay inta u dhexeysa goobta Cali Macow iyo isbitaalka weyn ee magaalada Wajeer.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in dhibbanayaasha falkan waxyeellada ka soo gaartay ay dhaawacyo ka qabaan madaxa, caloosha, gacmaha, luqunta, lugaha iyo dhabarka.
Saddexda qof ee dhaawaca qaba ayaa haatan lagu daweynaya isbitaalka weyn ee Wajir Referral Hospital iyo goobo kale oo caafimaad.