DHAGEYSO:KUPPET oo guddiga TSC ugu baaqday in uu dallacsiiyo macallimiinta Wajeer

0
622

Xoghayaha Guud ee ururka macallimiinta ee KUPPET laantiisa ismaamulka Wajeer Yuusuf Cabdullahi Maxamad ayaa guddiga adeegga barayaasha ee TSC ku boorriyay in uu dallacsiiyo macallimiin iyo maamulayaal uu sheegay in sanado dhowr ah ay ku diiwaangashan yihiin hal heer oo dhanka shaqada ah iyo kuwa haya xilal ku meel gaar ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dugsiyada ay wajahayaan caqabad dhanka dhaqaalaha ah maadaama sida uu hadalka u dhigay dowladda sare aynan xilliga habboon bixin miisaaniyadda loogu talagalay dugsiyada.
Xoghayaha Guud ee ururka macallimiinta ee KUPPET laantiisa Wajeer , Yuusuf Cabdullahi Maxamad ayaa hoosta ka xarriiqay in dib u dhaca ku yimid bixinta lacagaha ay culeysyo ku keentay maamulayaasha xarumaha waxbarashada oo cadaadis kala kulmaya shakhsiyaadka dugsiyada u qaybiya agabyada kala duwan.

Dhanka kale, waxaa uu dowladda ugu baaqay in ay dib u soo celiso barnaamijkii quudinta ardayda isagoo ismaamulladana ku boorriyay in ay khayraadkooda ku taageeraan xarumaha waxbarashada .