DHAGEYSO:Kulan looga hadlayey saameynta isticmaalka maandooriyaha oo lagu qabtay IFO

0
120

Waxaa xerada qaxootiga ee IFO lagu qabtay kulan looga hadlay saameynta isticmaalka maandooriyaha oo xeradaasi ku soo badanaya.
Shirka oo ay ka qeyb galeen culimaaudiinka, hoggaanka xerada iyo dhallinyarada IFO ayaa intii uu socday waxaa la isla qiray caqabadaha ay wajahayaan da’yarta isticmaasha noocyada kala duwan ee maandooriyaha iyadoo bulshada loogu baaqay in ay arrinkan wax ka qabato sida uu ku soo warramaya Maxamad Baaruud Xuseen oo warbixintan Dadaab ka soo diray.