DHAGEYSO:Kulan ku saabsan la tacaalidda abaarta oo lagu qabtay Habasweyne

0
299

Waxaa magaalada Habasweyne ee deegaan baarlamaneedka Koonfurta Wajeer lagu qabtay kulan ay ka soo qayb galeen hay’adaha aan dowliga ahayn oo looga arrinsanayay saameynta abaarta.
Xildhibaanka laga soo doortay Koonfurta Wajeer Maxamad Cadow ayaa warbaahinta Star faahfaahin ka siiyay shirka halkaasi ka qabsoomay.

Mudanaha ayaa dhanka kale ka hadlay caqabadda macallimiin yari ee ka jirta deegaankaasi iyo si guud gobolka Waqooyi bari isagoo dowladda ugu baaqay inay dhibaatadan xalliso.