Waxaa deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi lagu qabtay shir looga arrinsanayay arrimaha ammaanka.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo oo kulankaasi guddoominayay ayaa sheegay inay diiradda saareen ka hor tagga argagixisannimada.
Waxaa uu sheegay in ka hor tagga falalkan ay u baahan tahay dadaal loo dhan yahay oo laga qayb gelinaya bulshada maxalliga ah.
Shirka ka qabsoomay Malindi ayuu ku tilmaamay mid uu heerkiisu sareeyay oo wada tashi ahaa oo ay ka qayb galeen guddiyada ammaanka ee gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari.
Waxaa kulankaasi ka qayb galay isku duwayaasha dowladda dhexe u qaabilsan gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari ee kala ah Rhoda Onyancha iyo John Otieno iyo ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja.