DHAGEYSO:Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo siyaasiyiinta mucaaradka uga digay inay rabshad sameyaan

0
306

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga.
Ra’iisul wasaarihi hore ee dalka ayaa dowladda dhexe u qabtay 14 cishe oo ay hoos ugu dhigaysa sare u kaca qiimaha maciishadda haddii kale inay guud ahaan wadanka ka sameynayaan dibadbaxyo.
Hasa ahaate hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in hanjabaadaha mucaaradka aynan marnaba cabsi gelin karin isaga iyo madaxweynaha.
Waxaa uu Rigathi Gachagua hoosta ka xarriiqay in maamulka talada haya ee Kenya Kwanza uu weli ku mashquulsan yahay sidii uu u xallin lahaa hoos u dhaca dhaqaale ee wadanka ka jiro.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa Raila ku eedeyay inuu qayb ka ahaa maamulkii hore ee sababay xaaladda hadda uu dalku wajahaya.