DHAGEYSO:Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo sheegay inuu dacwad ka gudbin doono garsoore

0
202

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay inuu abaare 2:15 daqiiqo ee galabnimo ee Khamiista soo socoto uu guddiga adeegga cadaaladda ee wadanka ee JSC u gudbin doono dacwad ka dhan ah garsoore Esther Maina.
Waxaa uu xaakinkan ku eedeynayaa musuqmaasuq iyo habdhaqan xumo.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Iten ee ismaamulka Elgeyo Marakwet ayuu Rigathi Gachagua hoosta ka xarriiqay in garsoore Esther Maina ay ku dhawaaqday in hanti uu sida habboon ku helay ay tahay mid laga macaashay musuqmaasuqa in kastoo sida uu hadalka u dhigay aynan fursad u siin inuu is difaaco.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka oo xusay inuu dacwadiisa u haysto caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo ayaa doonaya in madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome uu u bandhigo in xafiiska ay banneyso garsoore Esther Maina.

Sidoo kale waxaa uu madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ka dalbaday inay kenyaanka u sharraxdo tirada cabashooyinka ee loo gudbiyay, inta ay xallisay iyo mudda ay ku qaadanaysa inay kuwo dhiman dhameystirto.
Hadalka Rigathi Gachagua ayaa ku soo beegmaya ka dib markii Martha Koome ay kenyaanka ku wargelisay in cid kasta oo tabasho ka qabto garsoore xita xubnaha golaha fulinta ee ka cabanaya musuqmaasuqa inay caddeymahooda la wadaagaan guddiga JSC.
Bishii Toddobaad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii garsoore Esther Maina ay Rigathi Gachagua ku amartay inuu soo wareejiyo hanti dhan 202 milyan oo shilin.
Waxay sheegtay in siyaasigan uunan ku guulaysan inuu cadeeyo qaabkii uu hantidan ku helay.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa madaxa cadaaladda dalka Martha Koome kula taliyay inay ugu horreyn xalliso cabashooyinka laga gudbiyay shaqaalaha waaxda cadaaladda ee hor yaalla guddiga adeegga garsoorka ee (JSC) .

Dhanka kale wasiirka gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay maxkamadaha wadanka ka howlgalaan garsoorayaal badan oo uu habdhaqankoodu wanaagsan yahay balse ay la dagaallamayaan kuwo musuqmaasuqa ku lugta leh.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa ku baaqay in madaxda ay waajibaadkooda shaqo uga soo baxaan si aan habacsanaan lahayn sidoo kalena in dhinac la iskaga dhigo ka shaqeynta danaha gaarka ah si uu qaranku horumar u gaaro.