DHAGEYSO:Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo baaq u diray waaxda dacwad oogidda

0
276

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ugu baaqay inuu meesha ka saaro dacwado uu ku tilmaamay kuwo siyaasadeysnaa oo maxkamadaha la geeyay.
Dhawaan ayay ahayd markii ay maxkamadda aqbashay codsi ay gudbisay waaxda dacwad oogidda oo ahaa in la soo afjaro dacwad loo haystay Gachagua iyo sagaal eedeysanayaal oo kale.
Dacwaddaasi ayaa la xiriirtay musuqmaasuq ay waaxdu sheegtay in lagu lunsaday ugu yaraan 7.3 bilyan oo shilin in kastoo ugu dambeyn loo waayay caddeymo wax ku ool ah.
Hasa ahaate hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa hadda sheegaya in taasi keliya aan loo baahneyn balse ay tahay in daaqadda laga tuuro kiis waliba oo sida uu hadalka u dhigay ku saleysan bartilmaameedsi siyaasadeed.