Wasaaradda arrimaha dhulalka iyo guriyeynta ee dalka ayaa 299 qoys oo ku nool xaafadda Shauri Moyo ee ismaamulka Nairobi ku wargelisay inay guriyahooda ka guuraan.
Guriyahan oo ay dowladdu leedahay ayaa horay shacabkan loo dejiyay.
Waxaa hadda laga doonaya inay dokumeentiyadii la siiyay ku wareejiyaan wasaaradda si guriyahaasi loo dumiyo oo halkaasi looga hirgeliyo dhismooyin dabaqyo ka kooban.
Mashruucan ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 18.3 bilyan oo shilin.
Wasiirka wasaaradda dhulalka ee dalka Zachary Njeru ayaa sheegay inay xaqiijin doonaan in shirkadda dhismooyinka ee Hajar Services Limited oo qandaraaskan la siiyay ay ku dhameystirto xilliga loogu talagalay.
Geoffrey Wafula oo ka mid ah shacabka lagu wargeliyay inay guriyaha ay deggan yihiin ay ka guuraan ayaa warbaahinta u sheegay inay rajeynayaan in muddo dheeraad ah loo qabto.