Sarkaal ka tirsanaa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo ka howlgalayay saldhigga booliiska ee Industrial Area ee magaalada Nairobi ayaa lagu dilay xaafadda Kayole ee caasimadda wadanka.
Waxaa falkan gaystay 3 burcad ah, oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.
Dambi baaraha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey David Mayaka, waxaana laga takhalusay xilli fiid ah oo uu u sii jeedey gurigiisa ayna la socotay xaaskiisa.
Gaari uu watay sarkaalka ayaa cilad ku timid mid ka mid ah taayarrada, islamarkaana isagoo ku howlanaa hagaajinta gaarigiisa ayaa koox hubsaysan caloosha iyo bawdada ka toogatay.
Dilkan ayaa loo maleynaya inuu ahaa mid qorsheysnaa.
Xaaska sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Hellen Kemunto ayaa xabad lagaga dhuftay lugta xilli ay isku dayaysay inay baxsato, iyadoo haatan laga daweynaya dhaawac soo gaaray.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay fiidnimadii Khamiista soo galeysay.
Arrinta la yaabka noqotay ayaa ah markii uu dilka dhacay ka dib, waxaa goobta falkan laga soo tabiyay soo maray gaari ay la socdeen ciidamo booliis ah kuwaas oo dhagaha ka furaystay caawimaad ay ka dalbatay xaaska la socotay askariga la dilay taas oo dhiig baxaysay .
Tani ayaa si weyn looga falceliyay baraha bulshada iyadoona baaritaan lagu hayo dhacdadan.
Waxaa saacadihii la soo dhaafay baraha bulsha dhex wareegayay muuqal ay kaamerada qarsoon ee loo yaqaano CCTV-da ka duubtay raggii dilka gaystay.
Kooxda dilka gaysatay ayaa horay u sii qaateen taleefoonka xaaska sarkaalka dhintay.
Dhacdadan ka dib, waxaa halkaas laga gaystay fal dhac ah sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.