DHAGEYSO:Kooxo burcad ah oo maamule ku xigeenka dugsi hoose dhexe ku dishay Baringo

0
325

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxo burcad ah ay maamule ku xigeenka dugsi hoose dhexe ku dishay Waqooyiga ismaamulka Baringo.
Macallinka ayaa la dilay habeenimadii Sabtida.
Tirada guud ee toddobadkan lagu dilay waqooyiga dowlad deegaanka Baringo ayaa haatan ah 6 ruux.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa walaac ka muujiyay dhacdooyinka amni darro ee isa soo taraya.
Waxaa ay dowladda ugu baaqeen in arrintan ay si adag uga falceliso.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in boqolkiiba 80 ay ciribtirtay khatartii burcadda ee Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka ayaa wacad ku maray in dhawaan la soo afjari doono burcadda falalka dhaca iyo dilalka ka gaysata Waqooyiga ismaamulka Baringo.