DHAGEYSO:Koox burcad ah oo mudaaharadkii shalay ka dib dhac ka gaysatay xarumo ganacsi oo ku yaalla Nairobi

0
421

Waxaa mudaaharaadkii shalay ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay ka sameeyeen ismaamullo ay ka mid yihiin Nairobi iyo Kisumu ka dhashay khasaaro hantiyadeed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in koox tuugo ah ay mudaaharadkii shalay ka dib dhac ka gaysteen guryo iyo xarumo ganacsi oo ku yaalla xaafadaha kala ah Kayole, Jamhuri, Donholm iyo Pipeline ee deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Tuugada ayaa sidoo kale saaka iskudayday in dhac ka gaystaan xarumihii ay shalay ay weerareen.
Qaar ka mid ah dadka xarumahoodi ganacsi loo dhacay ayaa warbaahinta dareenkooda la wadaagay waxaana ka mid ah milkiilaha xarunta laga dukaameysto ee Jamia Supermarket ee ismaamulka Kisumu ee shalay la bililiqaystay.