DHAGEYSO:Koox burcad ah oo 8 qof ku dhaawacday ismaamulka Mombasa

0
387

Waxaa lagu soo warramayaa in koox burcad ah ay 8 qof dhaawac ugu gaysatay xaafadda Mikindani ee deegaan baarlamaaneedka Jomvu ee ismaamulka Mombasa.
Dadka dhaawacmay ayaa lagu dabiibaya isbitaallo kala duwan oo ku yaalla dowlad deegaanka Mombasa.
Ragga weerarka gaystay oo ku hubeysnaa baangado iyo mindiyo ayaa la rumeysan yahay inay qayb ka yihiin burcad dhibaato iyo dhac ka gaysata ismaamulka Mombasa.
Qaar ka mid ah dadkii waxyeellada soo gaartay ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida ay wax dhaceen.

Taliyaha booliiska ee deegaanka Jomvu Lydia Wanjiru ayaa sheegtay in dhacdadan dhowr qof loo xiray islamarkaana digniin adag u dirtay kooxaha burcadda ah ee weerarrada noocaan gaysta.