Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa ku hanjabay in ay meesha ka saarayaan dhammaan adeegyada caafimaadka ay ka bixiyaan ismaamulka Machakos.
KMPDU ayaa intaasi ku dartay in tallaabadaasi ay ku dhaqaaqi doonaan laga billaabo toddobaadka dambe, haddii uu maamulka dowlad deegaanka Machakos ku guuldareysto inuu mushaaraadkooda siiyo dhakhaatiirta shaqo joojinta kuguda jiro ee ismaamulkaasi.
Dowladda hoose ee ismaamulka Machakos ayaa lagu eedeyay in aynan muujin rabitaan ku aaddan in si degdeg ah loo xalliyo tabashooyinka dhakhaatiirta.
Waxyaabaha ay dalbanayaan dhakhaatiirta waxaa ka mid ah dallacsiin iyo wanaajinta xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Waxaa arrimahan ka hadlay xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU, Dr. Davji Atellah.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:KMPDU: Dhakhaatiirta Machakos waa in la siiyaa mushaaraadkooda toddobaadka dambe