DHAGEYSO:Kipchoge oo markii shanaad ku guulaystay orotanka Berlin Marathon

0
284

Orodyahaanka kenyaanka ah ee lagu magacaabo Eliud Kipchoge ayaa markii shanaad ku guulaystay orotanka Berlin Marathon ee sanadkan.
Waxaa uu orodkiisa ku dhameeyay 2:02:42.
Kipchoge ayaa tartanka uga sare maray Haille Gebresellasie oo u dhashay dalka Itoobiya oo ay afar mar oo hore isla qabsadeen.
Qaar ka mid ah kenyaanka ku sugan magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa soo dhaweeyay guusha uu soo hooyay Eliud Kipchoge.

Waxaa uu dhankiisa sheegay inay farxad u tahay inuu markii shanaad tartanka ku soo baxo isagoo intaasi ku daray inuu hadda diiradda saari doono sidii uu ugu guulaysan lahaa tartanka olombikada oo sanadka dambe lagu qaban doono magaalada Paris ee Faransiiska wuxuuna ku raja wayn yahay inuu markii saddexaad rikoor jebiyo.
Dhanka kale waxaa guusha uu soo hooyay Kipchoge ugu hambalyeeyay madaxweynaha dalka William Ruto, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.