DHAGEYSO:Kindiki oo sheegay in dowladdu aynan mamnuucin isku soo baxyada

0
271

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe aynan mamnuucin isku soo baxyada siyaasadeed iyo isku imaatinka dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xeerka lagu maamulo shacabka uu si cad u qeexaya in kulamadan la qaban karo inta u dhexeysa 6-da aroornimo ilaa 6-da maqribnimo.
Hasa ahaate wasiirka ayaa sheegay in cid kasta oo qorsheynaysa inay qas abuurto , inay carqaladeyso howlaha dhaqaalaha ama ay ka qayb qaadato tallaabo aan sharciga waafaqsanayn in si adag loola tacaalaya iyadoo la raacaya xeerarka dastuuriga ee dalka u degsan.
Wasiirka ayaa wacad ku maray in tallaabada ku habboon laga qaadi doono cid kasta oo maalmaha Arbacada, Khamiista, Jimcada ama maalin kale oo ay ahaataba carqaladeysa dhaqaalaha, dhibaato gaarsiisa shacabka, boobta hantidooda ama burburisa hantida dadweynaha.
Falcelinta dowladda ayuu sheegay inaynan ku koobnayn keliya caasimadda dalka ee Nairobi balse dhammaan 47-da dowlad deegaan ee ay Kenya ka kooban tahay.
Wasiir Kindiki oo xusay in dowladda ay tixgelinaysa xuquuqda dastuuriga ee isku imaatinka iyo dibadbaxyada ayaa sheegay in aan marnaba loo dul qaadan doonin rabshado.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in cid kasta oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta hadda xilalka haya iyo kuwii hore ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay sharciga u hoggaansamaan.
Waxaa uu tilmaamay in hoggaamiyaashii hore sida madaxweynihii howlgabka noqday , barasaabyadii hore, xildhibaanadii hore iyo wakiillada deegaannada laga doonaya in shakhsiyaadka beddelay ay fursad u siiyaan u adeegidda shacabka iyagoo aan caqabad ku noqon waxqabadkooda.

Arrimahan ayuu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ka sheegay deegaan baarlamaneedka Chuka Igambang’ombe oo ka tirsan ismaamulka Tharaka Nithi.