Madaxweyne ku xigeenka waddanka Prof. Kithure Kindiki ayaa siyaasiyiinta iyo dadweynaha uga digay in kala duwanaanshaha u dhexeeya ay ku xalliyaan qaab rabshadeysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sanadihii ugu dambeeyay ay jireen dhacdooyin la xiriira kicinta shacabka iyo abuuridda shaqaaqooyinka.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay dulqaad siyaasadeed.
Kithure Kindiki ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kitui sheegay in loo baahan yahay in cid kasta ay u hoggaansanto xeerarka dastuuriga ah iyo nidaamka maamulka ee kala dambeynta si dalka aan burbur loogu horseedin.
Waxaa uu xusay in waddamada burburay ay markii hore ka dhaceen rabshado aan lala tacaalin oo sida uu hadalka u dhigay faraha ka baxay.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sidoo kale ka hadlay musuqmaasuqa ka jiro gudaha Kenya .
Waxaa uu tilmaamay in ay dembiilayaal yihiin ciidamada booliiska ee laaluushka qaata iyo kenyaanka laaluushka bixiya labaduba.
Kindiki ayaa sheegay in tan iyo markii la billaabay adeegsiga barta casriga ah ee E-Citizen in wasaaradda maaliyadda ay gaarayaan lacago horay loo lunsan jiray.
Waxaa uu dowladaha ismaamullada kula taliyay in ay la yimaadaan siyaabo lagu xaqiijinaya in aan la lunsan lacagaha dadweynaha loogu adeego.
Prof. Kithure Kindiki, madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa dhanka kale ka hadlay faa’iidada caymiska caafimaadka ee Taifa Care.
Waxaa uu qiray in ay jiraan caqabado lagala kulmaya adeegsiga nidaamkan cusub ee lagu beddelay NHIF balse lagu howlan yahay xallinta culeysyadan.
Kindiki ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in muddo sanad gudaheeda ah lagu guulaysan doono barnaamijkan.