DHAGEYSO:Kilifi: 2 qof oo loo xiray ka ganacsiga daroogada

0
203

Saraakiisha ololaha qaran ee ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee (NACADA) ayaa degmada Mtwapa ee ismaamulka Kilifi ku xiray labo qof.
Madaxa fulinta ee NACADA Dr. Anthony Omerikwa, ayaa sheegay in shakhsiyaadkan ay ku eedeysan yihiin ka ganacsiga nooca daroogada ee xashiishka.
Howlgalka oo ay ka qayb qaateen ciidamada booliiska ayaa lagu soo helay 435 xirmo oo xashiish ah oo la rumeysan yahay in laga keenay ismaamulka Migori.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada ruux ee la xiray mid ka mid ah uu gobolka Xeebta caan uga noqday iibinta daroogada oo ay ciidamada ammaanka muddo raadinayeen.
Mid ka mid ah shacabka ismaamulka Kilifi ayaa maamulka NACADA iyo saraakiisha ammaanka ka codsaday inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah isticmaalka iyo ka ganacsiga balwadda si loo badbaadiyo nolosha dhallinyaro badan oo howlahan lagu duufsaday.