DHAGEYSO:Khasaaraha ka dhashay dabkii suuqa Waaheen ee Hargeysa oo la shaaciyay

0
740

Guddiga uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay qiimeynta hantida ku burburtay dabkii xoogganaa ee saacadaha badan ka socday Suuqa Waaheen ahna kan ugu wayn Magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay khasaaraha hordhaca ah ee ka dhashay dabkaasi.
Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmad Mooge oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay in xog aruurin iyo qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in khasaaraha hordhaca ah ay gaareyso 1.5 ilaa 2 Bilyan oo doolarka Mareykanka oo ka mid ah hantidii Suuqa taallay.
Waxaa uu sheegay in khasaaraha uu intaasi ka badan karo, hayeeshee ay weli wadaan qiimeyn kale si loo ogaado khasaaraha rasmiga ah maadaama Suuqa Waaheen ay taallay Hanti badan oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliland.
Maayarka Magaalada Hargeysa ayaa intaasi ku daray in 5-ta Bishan oo ku beegan Maalinta Talaadada ah Suuqa Magalada Hargeysa ee gubtay laga sameyn doono howlo nadaafadeed inta ka horreeysana dadka weli Hantida ka taallo ay kala baxan.
Cabdikariim Axmad Mooge ayaa dhanka kale shaaciyay qaababka lagu garab istaagi karo dadka hantidooda ku waayay dabkii Suuqa Waaheen, wuxuuna baaq u diray dhammaan umadda islaamka, kuwa Soomaalida iyo beesha caalamka.

Inta badan Shacabka Soomaaliyeed, Madaxda Soomaalida iyo kuwa Caalamka qaarkood ayaa aad uga ula murugooday dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, iyagoo sheegay inay dhibka la qaybsanayaan Shacabka iyo maamulka Soomaailand ee dhibaatadaasi saamaysay.