DHAGEYSO:Kenyaanka oo walaac ka muujiyay dugsiga St. Anne oo ardayda bannaanka ku xayiray

0
413

Dadka kenyaanka ah ayaa walaac ka muujiyay muuqaallo baraha bulshada la soo dhigay xalay ka dib markii qaar ka mid ah ardayda dhigata dugsiga sare ee gabdhaha ee St. Anne oo ku yaalla aagga waddada Jogoo road ee magaalada Nairobi bannaanka lagu xayiray.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulaha dugsigaasi uu gabdhahaasi ka saaray gudaha iskuulka maadaama aynan soo dhameystirin qarashaadka waxbarashada.
Wasaaradda waxbarashada ayaa maamulayasha dugsiyada ku amartay in aysan ardayda dib ugu celin guriyahooda.
Qaar ka mid ah ardayda ayaa xusay in ay meel fog uga imaadeen dugsiga sidaasi darteedna ay surtagali karin in ay dib ugu laabtaan guryahooda.
Ismari waaga ka dib ayuu xildhibaanka deeganaka Makadara George Aladwa uu u soo diray koox xalliso arrintan.