DHAGEYSO:Kenyaanka oo madaxweynaha ka codsaday inuu yareeyo qiimaha shidaalka

0
228

Qaar ka mid ah shacabka kenyaanka ah ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu shaaciyo hoos u dhigidda qiimaha shidaalka si xal loogu helo sicir bararka nololeed ee jira.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in laga billaabo abaare 2:30 galabnimo ee maanta uu hoggaamiyaha wadanka si wadajir ah khudbad ugu jeediyo xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
Farqada 132-aad qaybta 1-aad ee dastuurka dalka oo qeexaysa shaqooyinka madaxweynaha waxaa ku cad in sanadkiiba hal mar laga doonayo inuu si wadajir ah ugu khudbeeyo xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare .
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu khudbadiisa ku soo qaato waxyaabaha maamulkiisa u qabsoomay tan iyo markii uu hoggaanka dalka qabtay.
Dadweynaha ayaa doonaya in William Ruto uu si faahfaahsan uga hadlo tallaabooyinka dowladda ee ay ku yareynaysa qiimaha sarreeya ee maciishadda .
Waxay hoosta ka xarriiqeen inaynan suurtagal ahayn in la yareeyo qiimaha cuntooyinka iyadoo uu weli shidaalka loo adeegsado howlaha gaadiidka uu weli sarreeyo.