DHAGEYSO:Kenyaanka oo loogu baaqay inay canshuurta bixiyaan

0
492

Madaxweynaha la doortay William Ruto ayaa dhammaan dadweynaha ku nool gudaha wadanka ku boorriyay inay canshuuraha bixiyaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in canshuurta oo la bixiyo ay kaalin ka qaadanayso kobaca dhaqaale ee wadanka.
William Ruto ayaa xusay in hadda ka dib aynan jiri doonin in ganacsi la xiro iyadoo loo aaneynaya canshuur aan la bixin.
Waxaa uu intaasi ku daray in mudnaanta koowaad la siin doono dhameystirka mashaariicda horumarineed ee la billaabay oo ay ka mid yihiin waddooyinka ka hor inta aan la guda gelin barnaamijyo cusub.

Waxaa uu maamulka canshuuraha ee KRA kula taliyay inuu ganacsatada ula dhaqmo qaab habboon oo aan dhibaateyn iyo burburin ahayn.
Xilli uu shalay gaaray ismaamulka Meru ayuu Ruto xaqiijiyay inuu hormuud ka noqon doono bixinta canshuuraha si shacabka ay ugu daydaan.