Shacabka kenyaanka ah ayaa walaac ka muujinaya shaqo joojin ay xubnaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ay shaaciyeen in ay ku dhaqaaqi doonaan laga billaabo berri oo Isniin ah.
Howlwadeennada ayaa sameyn doono mudaaharaad ay uga soo horjeedaan tallaabadii Khamiistii lagu dhaawacay Xoghayaha Guud ee ururka KMPDU Dr. Davji Atellah oo xilligaasi dibadbax hor kacayey.
Waxay sidoo kale sheegeen in ay sii wadi doonaan cadaadiska ay dowladda ku saarayaan shaqaaleysiinta ardayda soo bartay culuunta caafimaadka.
Dadweynaha ayaa doonaya in wasaaradda caafimaadka ee dalka ay xalliso tabashooyinka dhakhaatiirta si uunan hakad ugu imaan bixinta adeegyada kala duwan ee isbitaallada dowliga ah.