DHAGEYSO:Kenyaanka oo ka hadlay diyaar garowga ku aaddan doorashada guud

0
502

Qaar ka mid ah dadweynaha dalka oo muujiyay dareenkooda ku saabsan qaabka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu isugu diyaariyay maareynta doorashada guud ayaa arrintan ku kala aragti duwan.
Kenyaanka qaar ayaa sheegaya in dhacdooyin dhawaan la soo tabiyay ay walaac ku beereen sida shakhsiyaadkii siday warqadha dhajiska ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee JKIA.
Shacabka ayaa dalbanaya in lagu dadaalo sidii doorashada guud oo ay naga xigto 11 cisho ay u noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah.