DHAGEYSO:Kenyaanka oo diiday in muddo xileedka madaxweynaha laga dhigo 7 sano

0
604

Waxaa isa soo taraya aragtiyo kala duwan oo ku aadan hindise sharciyeedka lagu kordhinayo mudda xileedka madaxweynaha dalka oo haatan ah 5 sano.
Hindisahan ayaa lagu doonaya in muddo xileedka madaxweynaha laga dhigo 7 sano.
Waxaa uu hindise sharciyeedkan ujeedadiisu tahay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka waddanka lagu maamulo.
Qaar ka mid ah shacabka Kenyaanka, hoggaamiyayaasha diimeed iyo xisbiyada siyaasadda ayaa horay uga soo horjeestay hindishan la soo jeediyay.
Senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa dhawaan soo jeediyay in muddada dhammaan kuraasta la soo doorto laga dhigo toddobo sano, taasoo dhalisay dood badan.
Waxaa arrinkan dareenkooda ka dhiibtay qaar ka mid ah dadweynaha.