Qaar ka mid ah shacabka Kenyaanka ayaa aragtidooda ka dhiibtay waxqabadka madaxweynaha dalka William Ruto ee 100-ka cishe ee ugu horreya maamulkiisa.
Waxay dadweynaha qaar ka mid ah bogaadiyeen waxqabadka madaxweynaha ee muddadan.
Hasa ahaate qaar kale ayaa saluugsan waxqabadka maamulka Kenya Kwanza ee talada wadanka haya.
Shalay ayay ahayd markii shirkadda cilmi baarista ee Infotrak ay warbixin ku sheegtay in waxqabadka hoggaamineed ee William Ruto uu yahay boqolkiiba 52.1