DHAGEYSO:Kenyaan badan safaf dhaadheer u galay fursad shaqo oo ay shirkad laga leeyahay dalka Qatar ku dhawaaqday

0
741

Dadweyne aad u tiro badan ayaa maanta tegay xarunta shirarka caalamiga ee KICC oo ku taalla magaalada Nairobi.
Waxay dadweynahan ay safaf dhaadheer u galeen wareysiyo shaqo.
Arrintan ayaa timid ka dib markii wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua uu shaaca ka qaaday in shirkad laga leeyahay waddanka Qatar ay ku dhawaaqday in qandaraas labo sano ah oo shaqo ay siinayso Kenyaanka ka soo gudbo wareysiyada maanta la billaabay.
Wareysiyada ayaa socon doona ilaa maalinka Axadda ee 27-ka bishan.
Fursadaha shaqo ay shirkaddan ku dhawaaqday ayaa kala ah cunto karinta, darawalnimada, makaanikada, dhismaha, iyo kuwa kale.
Shuruudaha loo baahan yahay waxaa ka mid ah in qofka uu haysto baasaboor.
Waxaa qorshahan dareenkooda ka dhibtaan qaar ka mid ah dadka doonaya inay fursaddan ka faa’iideystaan.