DHAGEYSO:Kenya Kwanza oo ka soo horjeestay in dhex dhexaadiye lagu casuumo wada hadallada mucaaradka

0
302

Madaxda siyaasadeed ee isbeheysiga talada wadanka ee Kenya Kwanza ayaa bogaadiyay wada hadallada u billowday mucaaradka iyo dowladda dhexe.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha qaran ee xeer dejinta ahna xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu , Kimani Ichungw’ah ayaa sheegeen in wada hadallada ay qayb ka noqon doonin awood qaybsi iyo is-gacanqaad la xiriira heshiis siyaasadeed.

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa ka soo horjeestay in wada hadallada laba dhinac lagu casuumo dhex dhexaadiye.