Madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha wadanka Tanzania Samia Suluhu Xasan oo kulmay ayaa ku heshiiyay in la soo saaro qaab lagu cirib tiraya caqabadaha ku gadaaman ganacsiga ka dhexeya labada waddan.
Ruto ayaa sheegay in Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) oo aynan xuduud ka dhexeyn inay suurtagelinaysa badeecooyinka iyo adeegyada oo si xor ah la isugu gudbiyo.
Waxaa uu sheegay in tani ay fursado ganacsi oo badan ay u furaysa shacabka dalalka xubnaha ka ah EAC.
Labada hoggaamiyeyaal ayaa xusay in wasiirrada ganacsiga ay kulmi doonaan si ka hor dhammaadka sanadkan meesha looga saaro caqabadaha ganacsi ee Kenya iyo Tanzania.
William Ruto iyo Samia Suluhu Xasan ayaa labaduba sheegay inay farxad u tahay in la xalliyay 56 ka mid ah culeysyadii ganacsi ee jiray iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in 14 kale mar dhow lala tacaali doono.
Ruto ayaa cadeeyay in kulanka wasiirrada ganacsiga uu qabsoomi doono ka dib marka baarlamaanka uu ansaxiyo golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay.
Madaxda Kenya iyo Tanzania oo warbaahinta la hadlay ka dib kulan ay ku wada qaateen xarunta madaxtooyada ee magaalada Dar es Salaam ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xoojinta iskaashiga ka dhexeya sida la dagaalanka argagixisada.
Madaxweynaha dalka William Ruto waxaa uu sheegay in sanadihii 2020 iyo 2021, badeecooyinka ay Kenya u dhoofisay Tanzania ay qiimo ahaan gaareen 45.6 bilyan oo shilin halka waxyaabaha ay dhanka Tanzania ka soo dejisatay ay noqdeen ku dhawaad laba jibbaar.
Marka la eego xubnaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ,Kenya ayaa maalgashiga ugu badan ka sameyso gudaha Tanzania .
Macluumaadka bangiga dhexe ee dalka ayaa muujinaya in waxyaabaha ay Kenya u iibgayso Tanzania ay kordheen boqolkiiba 46 halka badeecooyinka ay Tanzania halkan keento ay kordheen boqolkiiba 95.3 .
Heshiiska labada dowladood waxaa ka mid ah in la billaabo ka shaqeynta dhuumo shidaal oo isku xiraya magaalooyinka Dar es Salaam iyo Mombasa ilaa Nairobi.
Dr. Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay dardargelinta mashruucan marinka shidaalka si loo yareeyo canshuurta dhanka tamarta.
Waxaa uu tilmaamay in marka mashruucan la dhameeyo ay labada waddan ku tartami karaan maalgashiga maadaama ay jireyso tamar ku filan horumarka.
Madaxweyne William Ruto waxaa uu ballanqaaday sare u qaadidda ganacsiga Kenya iyo Tanzania si loo adkeeyo iskaashiga ay wadagaan.
Isagoo arrintan faahfaahinaya ayuu hoggaamiyaha dalka xusay in labada dowladood ay ka wada shaqeyn doonaan sidii ganacsiga ka dhexeya oo hadda qiimo ahaan dhan 90 bilyan oo shilin loo sii laba jibbaari lahaa.
Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu ayaa dhankeeda sheegtay in khuburro arrimahan qaabilsan lagu amray inay guda galaan dhaqangelinta mashruuca shidaalka.
Waxay intaasi ku dartay in labada dowladood ee Kenya iyo Tanzania ay ku heshiiyeen in la fududeeyo kala gudbinta kheyraadka muhiimka ee tamarta iyadoo la diyaariyay tallaabooyin lagu hirgelinaya barnaamijkan.
Madaxweynaha Tanzania ayaa laga soo xigtay in loo baahan yahay in la xoojiyo xiriirka soo jireenka iyo dhaqammada isku dhow ee shacabka labada dal si isdhexgalkan looga wada faa’iido.
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu ayaa horay meesha uga saaray mad-madow dhanka ganacsiga ahaa.
The two countries agreed to start working on a gas pipeline from Dar es Salaam to Mombasa and later reroute to Nairobi.
President Suluhu said respective technocrats have been directed to start working on the implementation of the gas project. pic.twitter.com/FtgsjzXUhc
— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 10, 2022
Kenya and Tanzania work to improve trade ties, Dar es Salaam
Kenya will work with Tanzania to eliminate barriers to cross-border trade.
President @WilliamsRuto said he has agreed with President @SuluhuSamia on a plan that will spur commerce between the two countries. pic.twitter.com/hKAzejovWG
— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 10, 2022