Dowladda Kenya ayaa Canada la kaashanaysa sidii dhallinyarada dalka loo siin lahaa tababarro ku aaddan shaqooyinka.
Iyadoo loo maraya barnaamij loogu magacdaray (KEFEP) ayaa da’yarta la fahansiin doonaa sida ay uga faa’iidaysan karaan kheyraadka badda.
Tababarka oo laga fulin doono machadka qaran ee farsamada ee Mombasa ayay dowladda Canada ku maalgelinaysa ilaa 2 bilyan oo shilin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Dr.Alfred Mutua .
Wasiirka ayaa sheegay in ardayda wax ka baranaya gudaha wadanka fursad loo siin doono inay codsadaan shaqooyinka dibadeed marka ay waxbarashada dhameystaan.
Mutua ayaa sidoo kale xusay inay ku dadaalayaan sidii baasaboorka Kenya uu awood buuxda ugu yeelan lahaa dhammaan waddamada caalamka.
Wasiir Mutua ayaa beeniyay wararka sheegaya in kenyaanka shaqooyinka u raadsada waddamada kale ay badankooda dhibaatooyin la kulmaan isagoo qurbajoogta ugu baaqay inay ilaaliyaan oo ay u hoggaansamaan xeerarka shaqaaleysiinta uu degsan dalalka ay tagayaan.
Ku xigeenka safiirka dowladda Canada ku matalo Kenya ,Warren Mucci ayaa dhankiisa sheegay in awood siinta dhallinyarada ay kaalin wayn ka qaadan doonto in Kenya si sameyso kobac dhaqaale oo ballaaran.
The CS made these remarks during an official visit to Kenya-Canadian bilateral projects in the coastal region counties of Mombasa and Kwale. 3/12 pic.twitter.com/eiNhdO1Grm
— ForeignAffairsKenya (@ForeignOfficeKE) February 11, 2023




