Dowladda dhexe ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in ilaa iyo hadda in ka badan 14,898 qof ay sameyn ka soo gaartay roobabka culus ee da’ay iyo daadadka ka dhashay.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay afhayeenka dowladda sare, Issac Mwaura.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa intaasi ku daray in daadadka ay ku barakaceen in ka badan 2 kun oo qoysas ah.
Saameynta uga badan ayaa laga soo tabiyay gobolka Nyanza.
Roobabka culus ee da’aya ayaa saameeyay guriyeynta, caafimaadka iyo beeraha ee dalka.
Mwaura ayaa sheegay in tobanaan xoola ah ay daadadka ku dhinteen.
Afhayeenka dowladda sare, Issac Mwaura ayaa dhanka kale sheegay in Kenya ay dhigeeda Imaaraadka Carabta ee UAE-da ka heshay raashin iyo agabka aan cuntada ahayn oo ku kacaya labo bilyan shilin, si wax looga qabto arrintan.