DHAGEYSO:Karua:Waa qasab in IEBC ay caddeyso sida ay ugu diyaar garowday doorashada

0
515

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja- One Kenya Martha Karua ayaa hay’adaha bulshada ugu baaqday inay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC cadaadis ku saaraan faahfaahinta qaabka uu ugu diyaar garoobay maareynta doorashada guud .
Waxaa uu qorshuhu yahay in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay Kenya ka dhacdo codeyn lagu soo dooranaya mas’uuliyiinta qaban doono ilaa 6 jago oo hoggaamineed.
Martha Karua ayaa kulan ay la qaadatay ururrada rayidka ka sheegtay in haddii aynan IEBC qorshaheeda caddeyn mar kale wadanka uu geli karo xaaladii 2017-kii ee ay maxkamadda ugu sarreysa Kenya laashay natiijadii madaxtinnimo.
Go’aankaasi ayaa yimid ka dib markii guddiga doorashooyinka lagu helay dembi ah inuusan sida habboon u raacin xeerarka doorashooyinka u degsan.
Martha Karua ayaa dhanka kale rajo wanaagsan ka muujisay inay guusha raaci doonto garabka siyaasadeed ee uu hogggaamiyo Raila Odinga.
Dhanka kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo maanta ololihiisa siyaasadeed geeyay ismaamulka Trans Nzoia ee galbeedka wadanka ayaa beeralayda u ballanqaaday in haddii uu hoggaanka qabto maamulkiisa uu wax ka qaban doono arrimaha bacriminta.
Sidoo kale waxaa uu faahfaahin ka bixiyay qorshihiisa ku aaddan taageeridda ganacsatada agabka kala duwan ka soo saaro waxyaabaha duugga ah sida biraha.