Hoggaamiyaha xisbiga Wiper kana mid ah mas’uuliyiinta sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Kalonzo Musyoka ayaa digniin adag u diray taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japheth Koome.
Waxaa uu u sheegay in Kenya ay xubin ka tahay hannaanka maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da sidaasi awgeedna Koome si shakhsi ah loogula xisaabtamaya dhibaatooyinka ay booliiska u gaystaan dibadbaxayaasha.
Musyoka ayaa xusay in xeerarka maxkamadda ay yihiin kuwo cad oo qeexaya in waxyeellada booliiska loo qabanaya cidda ugu sarreysa ee amarka bixisay.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Mwingi ee ismaamulka Kitui.




