DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo sheegay In dalka uunan nabad ahaan karin haddii aynan caddaalad jirin

0
299

Madaxa xisbiga Wiper kana ka mid ah madaxda sare ee isbeheysiga mucaaraadka ee Azimio La Umoja-One Kenya Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in dal uunan nabad ahaan karin haddii aynan caddaalad jirin.
Waxaa uu sheegay in isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu ku shubtay doorashadii guud ee dhacday bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.

Hadalkan ayuu Kalonzo ka sheegay xilli shalay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio uu isku soo bax ku qabtay fagaaraha Kamukunji grounds ee ismaamulka Nairobi.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga Roots Party Prof.George Wajackoyah ayaa kenyaanka ugu digay cunista dalagga sida casriga ah lagu soo saaro ee loo yaqaano GMO.
Waxaa uu sidoo kale dhaliil u jeediyay maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.